Maanta goor ay saacaddu Aheyd 11:00 ayaa koox
hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab u suurta gashey in ay weerar qorsheysan ka fuliyaan Xarunta Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Maxkamadda
Gobolka oo ku taala degmada Xamar Weyne Ee Gobolka Banaadir.
Ku Dhawaad 20 Ruux ayaa dhimatay tiro intaas kabadana
dhaawacyo ayaa soo gaaray, weeraro musalsal ahaa oo
maanta Muqdisho ka dhacay, 16
kamid ah dadkaas ayaa la’aaminsanyahay ineey ku
geeriyoodeen gudaha
maxkamada gobolka banaadir,
oo ay gudaha u galeen rag
gaaraya 7 kuwaasi oo ku labisnaa dharka ciidanka Dowladda,
Kadibna rasaas iyo qaraxyo isugu daray dadkii gudaha ugu
jiray maxkamada G/Banaadir.
Xarunta Gobolka Banadir ayaa ka
mid ah Goobaha ugu
mashquulka badan Muqdisho, waxaana weerarku ku soo
beegmayaa Xili laamaha
garsoorka Gobolka Banaadir ay
shir ku lahaayeen Xarunta la
weeraray, waxaana ay saxaafadda kula hadleen isla
gudaha Xarunta, kadib markii
Suxufiyiintu ka dareereen
halkaas ayaana weerarku
Dhacay.
C/llaahi Cali Geedow Taliyaha Ciidanka Maxkamadda
Sare ayaa sheegay in weerarku
bilowdey kadib markii nin ka mid
ahaa kuwa weerarka fuliyey uu is
qarxiyey isaga oo baaritaankii ku
socdo, kadib markii xaaladdu isku yaacdey waxaa dhanka
Guriga Gobolka Banaadir hal mar
naga soo galay ilaa 6 nin oo ku
hubeysan qoryaha loo yaqaan PKM kuwaas oo xoog nagu jiirey gudahana u
galay Dhismaha,
Kadib waxaa xigey Qarax ka
dhacay dhismaha banaankiisa
kaas oo ka dhashey gaari ay
wateen kooxdii xooga ku gashey
goobtaas, waxaana taasi horseeday in xaaladdu faraha ka
sii baxdo, iyada oo banaanka
hore ee xarunta ay ku
sugnaayeen ciidamo ilaalo u ahaa sarakiisha gudaha ku jirey, waxaana ay isku dhar siteen
kooxda al-Shabaab ee weerarka qorsheysan Ka fulisey Goobta.
Ugu danbeyntii waxaa ciidanka
Dowladda iyo Booliska AMISOM u
suurta galay in ay dib u qabsadaan dhisamaha kadib
markii 8 kamid ah raggii gudaha
galay ay isqarxiyeenka halka kan kalena ciidanku toogteen, waxaana hawlgalkaasi Uu qaatey muddo ka badan laba saacadood.




