Shaqsiga la baxay C/laahi C/raxmaan Abu Yuusuf Al Qaadi lana yiraahdo Magaciisa runta ah C/Nuur Macalin Abshir ayaa labo maalin ka hor dib u helay xuriyadiisa iyadoona in mudo ah uu u qafaalnaa dowladda cadowga ee Eithopia waxaana la sheegay in uu qafaalkiisa ka dambeeyay shaki iyo tuhun dowladda cadowga ee Eithopoia ay ka qaaday C/nuur Macalin Abshir Tuhunkaasoo ku wajahan in Ina Macalin Abshir uu la shaqeeyo Islaamiyiinta Soomaaliya
Wararka Soomaaliya
Waxaana inta uu xabsiga ku jiray Qaadi loo geystay jir dil waxaana loo diiday inuu meyrto waxaana hada iyo jeeraale loo geysan jiray tacdiyo ka baxsan bani aadamnimada waxaana lagu amray C/nuur Macalin Abshir in wax hadal ah aanu siinin warbaahinta kaas oo quseeya xarigiisa iyo dhibaatooyinka uu kala kulmay dowladda cadowga ee Eithopia
Dowladda Eithopia ayaa caadeysatay qafaalka ay u geysaneyso kuwa damiir laabayaasha ah ee u adeega Dowladda Xabashada Cadowga ee Eithopia
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641




