Gudoomiyaha maxkamadda gobolka banaadir dr xaashi ayaa dacwad hor dhigey ururka saxaafada Nosej,taas oo lidi ku ah Tvga universal,isagoo u hadley sidan:
gudoomiyaha maxkamadda gobolka ayaa ku bilaabey waxaan rabaa in aan maanta saxaafada iyo nosej hor dhigo dacwad taas oo aan aheyn mid garsoorka lagu xalinayo,waan awoodnaa in aan talaabo dhanka sharciga ah ka qaadno tvga universal mase dooneyno ee adinku bal ka garnaqa,tvga waxa uu baahiyey in aan galney dacwad la xiriirta dilka nin wariye ah oo la oranjirey allaha u naxariistee Xasan yuusuf absuge ninkii diley,waxaa kaloo tvgu baahiyey in aan diidney in eheladii wariyaha loo diidey hoolka dhageysiga dacwada,taas oo been ah anaguna aynaan gelin arkin dacwada wariyaha geeryoodey.
Sidaas awgeed buu yiri dr xaashi waa in nalaku soo cadeeyo ama la keeno xaal u qalma gefka loo geystey sharafkeena iyo tan qarankaba,waxeyna xubnaha nosej ka codsadeen in ay dib isugu noqonayaan jawaabna keenayaan,waxeyna warar kale sheegayaan in xubnaha nosej ay la xiriireen maamulka iyo milkiilayaasha tvga universal laguna qanciyey in Tvgu raali gelin marka hore ka bixiyo qaladka dhacey kadibna lagu laabto gudoomiyaha maxkamada gobolka banaadir,mana dhicin in tvgu bixiyo raaligelin la xiriirta arintaas.
Gudoomiyaha maxkamada gobolka banaadir iyo garsoorka ayaa markii ugu horeysey sameeyey dulqaad iyo tanasul ay saxaafada u sameeyeen,waxeyna keeni kartaa in meesha ay ka baxdo kala shaki iyo kalsooni xumo beryaha u dhaxeysey garsoorka iyo saxaafada,iyadoo kusoo beegmeyso xili maxkamada gobolku ay dhawaan ku xukuntey hal sano oo xarig ah wariye c/casiis koronto oo wareystey haweeney sheegtey in ay kufsadeen rag ku labisan tuutaha ciidamada,taas oo dad badan u cuntami weysey,racfaana laga qaatey,mar kalena la dhegeysan doono maxkamada c/casiis koronto.




