Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxay La sheegayaa in caawa halkaasi lagu dilay 3 ruux oo rayid ah kuwaas oo lagu dilay waqooyiga magaaladaasi .
Lama sheegi karo ilaa Iyo Haatan sababta ka danbaysa dilkaa 3 daasi ruux ,wallow shalay galab sidaan oo kale lagu dilay Bari magaaladaasi ilaa 5 ruux .
Dilkaasi Ayaa Waxaa maanta ka hadlay labada maamul ee ka jiraa magaaladaasi Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland iyadoo midba uu si kulul canbeereeyay dilkaasi.




