Waxaa soo kordhaya khasaaraha ka dhashey qarax maanta ka dhacey bakaaraha kaasoo la sheegayo in dhimashada ay hadda gaartey ilaa 7qof iyo 3 kale oo dhaawac ah.
Dhanka kale waxaa qarax lala beegsadey gaari ay saaraayeen ciidamada dawlada agagaarka soos,lamana sheegin waxa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaarey askarta dawlada federalka soomaaliya.
Beryahan ayaa lamoodaa in qaraxyadu ku soo kordhayaan muqdisho iyadoo dawladu ay dhankeeda wado qab qabasho iyo hawlgalo amniga wax looga qabanayo oo baal marsan dastuurka iyo qawaaninta dalka u degsan,kaas oo ciidamadu beryahan keeneen in ay xaafad dhan hareereeyaan dabadeedna meel leysugu keeno taas oo ay cabasho ka muujiyeen qeybaha bulshada sida ardeyda iskuulada dhigta,macalimiinta,iyo inta shaqeysta oo suuqyada ay noloshoodu ku tiirsantahey,mana jirto dabacsanaan dhanka dawlada ah iyo amni lagu heley xaafado gabangabeynta muqdisho ka socota tan iyo markii xukuumada saacid xilka loo dhaariyey.




