Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 33 dal oo Afrikaan ah oo badeecadahooda u dhoofin kara suuqyada Midowga Yurub iyaga oo aan bixin canshuuraha kastamka, isla markaana aan lagu soo rogin xaddidaadyo kooto, sida lagu sheegay farriin uu bartiisa X ku baahiyay howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Howlgalku wuxuu sheegay in fursaddan ganacsi ay ku timid nidaamka Everything But Arms (EBA), kaas oo dalalka ka faa’iidaysanaya u oggolaanaya inay badeecadahooda u dhoofiyaan suuqyada Midowga Yurub iyada oo aan canshuur laga qaadin, marka laga reebo hubka iyo rasaasta.
Farriinta ayaa sidoo kale lagu xusay in nidaamkan aanu lahayn waqti uu ku egyahay, taas oo dhiirrigelin u noqon karta ganacsatada Soomaaliyeed inay ballaariyaan waxsoosaarkooda, maalgashigooda iyo ganacsigooda.
Fursaddan ayaa muhiim u noqon karta Soomaaliya oo dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay xoolaha, beeraha, kalluumeysiga iyo ganacsiga, maadaama ay ganacsatada u abuuri karto suuqyo cusub oo ay ku iibiyaan badeecadaha dalka laga soo saaro.
Si kastaba ha ahaatee, ka faa’iidaysiga fursaddan ayaa la sheegay inuu ku xirnaan doona awoodda ganacsatada Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay badeecadahooda waafajiyaan shuruudaha tayada, badbaadada iyo caafimaadka ee Midowga Yurub.













