Nidaamka shaqaaleysiinta furan ee shaqooyinka dowladda—kaas oo uu diiday Hanti-dhowraha Guud—ayaa ka hor imaanaya sharciyada dalka iyo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowraha Guud.

0
7

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa ka horyimid in hannaanka tartanka furan ee shaqooyinka dowladda lagu dabaqo Xafiiskiisa, isagoo sheegay in arrintaasi ay taabanayso madax-bannaanida dastuuriga ah ee hay’adda.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa maalmahan waday hirgelinta amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku saabsan in shaqooyinka dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan furan.

Hase yeeshee, Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa sheegay in hannaankaas aan lagu dabaqi karin si ka hor imaanaysa nidaamka sharciyeed iyo madax-bannaanida hay’adda.

Xafiisku wuxuu ku dooday in uu yahay hay’ad dastuuri ah oo madax-bannaan, lehna madax-bannaani maamul iyo mid maaliyadeed, taas oo lagu aasaasay Qodobka 177aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Sida uu sheegay Xafiiska Hantidhowrka Guud, awoodaha, waajibaadka iyo shaqooyinka hay’adda waxaa si gaar ah loogu qeexay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Lr. 17 ee 2019 iyo Sharciga Hantidhowrka Guud ee Lr. 14 ee 2023.

Xafiiska ayaa sheegay in sababta uu uga horyimid tallaabada Guddiga Shaqaalaha Rayidka ay tahay in go’aannada iyo habraacyada khuseeya shaqaalihiisa lagu saleeyo shuruucda u gaarka ah hay’adda, maadaama ay leedahay madax-bannaani dastuuriga ah.

Waxa uu sidoo kale xusay Qodobka 63aad, farqaddiisa labaad, ee Xeer-nidaamiyaha Sharciga Nidaamka Xukuumadda, Xeer Lr. 174 ee 15-ka Febraayo 2025, kaas oo dhigaya in guddiyada iyo xafiisyada madax-bannaan ee dastuuriga ah lagu nidaamiyo mabaadi’da dastuurka iyo qodobbada ku qeexan xeerarkooda gaarka ah.

Hantidhowrka Guud ayaa sidaas darteed sheegay in Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ay waajib ku tahay inuu dhowro madax-bannaanida dastuuriga ah ee Xafiiska, isla markaana uusan qaadin tallaabo wax u dhimaysa ama xaddidaysa awoodihiisa.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Dhawaan faray dhammaan Wasiirrada iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.

Hantidhowrka Guud oo ka horyimid hannaanka tartanka furan ee shaqooyinka dowladda