Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo dilka askari ka tirsanaa ciidanka, kaas oo aano qabiil loogu dilay deegaanka Calaag ee degmada Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, xilli uu fasax kasoo qaatay shaqadiisa.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in marxuum D/le Axmed Shire Xuseen uu ka tirsanaa ciidanka xooga dalka, isagoo gudanayay waajib qaran, balse aanay faahfaahin ka bixin cidda dishay iyo sida ay dhacdadu u dhacday.
Taliska ayaa tacsi u diray qoyskiisa, eheladiisa iyo bahda ciidanka, isagoo sheegay in baaritaanno ku saabsan dhacdada ay haatan socdaan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ciidanka ayaa qaadi doona tallaabooyin waafaqsan sharciga si loo xaqiijiyo dhacdadan iyo cid kasta oo ku lug leh.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale adkeeyay in la dhowro nolosha, sharafta iyo xuquuqda askarta Soomaaliyeed, isagoo ciidanka ku tilmaamay ciidan qaran oo u adeegaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Dilka askariga ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa caro weyn ka abuuro bulshada Soonaaliyeed, iyadoo lagu tilmaamay fal waxuushnimo ah, iyadoo lagu baaqay in caddaaladda la keeno dambiilayaasha falkaas ka dambeeyay.





