Puntland ayaa sheegtay in qorshaha lagu banneynayo goobaha iyo dhulalka dowladda ee magaalada Boosaaso uusan la mid ahayn tallaabooyinka ka socda Muqdisho ee burburita dhismayaasha dadweynaha.
Puntland waxay sheegtay in dhulka dowladda dib loogu soo celinayo gacanta dowladda si loogu adeego danaha guud.
Guddoomiyaha degmada Boosaas, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in maamulka uu muddo bilo ah waday qorshe lagu banneynayo xarumaha iyo goobaha ay dowladdu leedahay, kuwaas oo uu sheegay in qaar ka mid ah muddo dheer ay gacanta ugu jireen dad gaar ah.
Wuxuu sheegay in maanta la gaaray xaruntii hore ee booliiska, iyadoo qorshuhu yahay in maalmaha soo socda la gaaro xarumo kale oo ku yaalla magaalada.
Sida uu sheegay, goobaha dowladda ee la baneeyo dib looguma celin doono shaqsiyaad ama ganacsato, balse waxaa loo qorsheynayaa in ay qeyb ka noqdaan goobaha dadweynaha iyo qorshaha lagu hagaajinayo bilicda Boosaaso.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib-u-habaynta magaalada ay bilaabatay bilo ka hor, iyadoo laga soo bilaabay agagaarka xarunta dowladda hoose, isla markaana qorshuhu ku fidayo waddada dheer ee magaalada ku xirta garoonka diyaaradaha.
Wuxuu sheegay in kobaca Boosaaso iyo muhiimaddeeda istiraatiijiyadeed ay keeneen baahida loo qabo qorsheyn cusub, si magaalada loogu sameeyo goobo dadweyne oo ka tarjumaya isbeddelka ku yimid magaalada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Boosaaso ay afartankii sano ee la soo dhaafay martigelisay dad badan oo Soomaaliyeed, isla markaana ay weli diyaar u tahay inay soo dhaweyso dad cusub, balse loo baahan yahay in dhulka dowladda loo isticmaalo si qorshaysan oo bulshada looga faa’iideeyo.
Maamulka degmada ayaa sheegay inuu sii wadi doono qorshaha dib-u-habaynta iyo banneeynta goobaha dowladda, iyadoo xoogga la saarayo bilicda magaalada iyo in dhulka dowladda loogu adeego danaha guud.













