Gobolada iyo Degmooyinka Galmudug oo Maanta Loo Dareeray Goobaha Cod Bixinta Mudo 57 Sano Kadib.

0
350

Doorashadii qof iyo cod ee ugu horreysay ee heer deegaan ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay dhammaan degmooyinka loo asteeyay in ay ka dhacdo, iyadoo guddiga doorashooyinka uu sheegay in goobaha codbixintu si buuxda u furmeen.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikarin Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb howlaha codbixinta, isagoo sheegay in doorashadu ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhammaan 10-ka degmo ee Galmudug loo qorsheeyay doorashada ay saaka 7:00 subaxnimo si isku mid ah uga furmeen goobaha codbixinta.

“Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah. Waa markii ugu horreysay muddo ku dhow 60 sano kadib oo shacabka ay fursad u helayaan inay si toos ah u doortaan hoggaankooda,” ayuu yiri Cabdikarin Axmed Xasan.

Wuxuu sheegay in magaalada Dhuusamareeb laga hirgeliyay 14 goobood oo codbixineed, kuwaas oo ay ku jiraan 10 goobood oo ku yaalla gudaha magaalada iyo afar goobood oo bannaanka ah.

Sidoo kale, guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in guud ahaan Galmudug la diiwaangeliyay in ka badan 200 kun oo codbixiye, iyadoo inta badan dadka diiwaangashan ay qaateen kaararkooda codbixinta.

Guddoomiyaha guddiga ayaa shacabka ku booriyay inay ka qeyb qaataan doorashada, isagoo xusay in qof kasta oo diiwaangashan uu isticmaali karo kaarka aqoonsiga ama kaarka codbixinta si uu u dhiibto codkiisa.

Doorashadan ayaa noqonaysa mid ka mid ah tijaabooyinka ugu waaweyn ee nidaamka doorashooyinka tooska ah ee Soomaaliya, iyadoo shacabka Galmudug ay maanta dooranayaan ururrada iyo xisbiyada ay taageersan yihiin.