Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay xadgudubkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, kaas oo ay sheegtay inuu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili ah oo ay weheliyeen kooxo xagjir ah.
Dowladda ayaa falkaasi ku tilmaantay mid dhaawacaya xurmada goobta saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka, isla markaana gef weyn ku ah dareenka malaayiinta Muslimiinta ah ee caalamka.
Warsaxaafadeed ay dowladda soo saartay Arbacada maanta ah ayay ku sheegtay in dhacdadan ay sii hurin karto xiisadaha gobolka, iyadoo ku baaqday in la ilaaliyo xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee goobaha barakaysan ee diimaha ku yaalla magaalada Qudus.
Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale xaqiijisay taageeradeeda shacabka Falastiin iyo mowqifkeeda ku aaddan difaaca xuquuqdooda, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta goobaha barakaysan iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.
Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, inay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo falalka ay ku tilmaantay kuwo kicin iyo xadgudub ah, isla markaana la xaqiijiyo isla xisaabtan ku wajahan cid kasta oo ku lug leh.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, dibna ugu laabtaan wadahadal horseedi kara nabad waarta oo ku dhisan caddaalad, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka labada dowladood, iyadoo ku tilmaantay waddada keliya ee lagu gaari karo nabad, amni iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe.






