Shan xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay iska casileen xubinimadoodii baarlamaanka, iyaga oo sheegay inay sidoo kale ka noqdeen aragtidii siyaasadeed ee saldhigga u ahayd dhismaha maamulka.
Xildhibaan Makhtal Siciid Maxamuud, oo ku hadlay magaca xildhibaanada is casilay, ayaa Bakayle Media u sheegay in go’aankooda uu yahay mid kama dambays ah, isla markaana ay wada qaateen isaga iyo Xildhibaan Axmed Cali Maxamed, Xildhibaan Saadiq Jaamac Muuse, Xildhibaan Axmed Caabi Xasan iyo Xildhibaan Cabdisalaan Cabdilaahi Camo.
“Aniga oo ku hadlaya afkayga iyo afkoodaba, waxaan caddaynayaa inaan si buuxda isaga casilnay xubinimadii Baarlamaanka Waqooyi Bari. Go’aankani waa mid kama dambays ah,” ayuu yidhi Makhtal.
Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee keentay iscasilaaddooda ay tahay in, sida uu hadalka u dhigay, laga leexday himiladii lagu aasaasay maamulka.
“Sababta aanu maamulka ula dhisanay waxay ahayd inaan ka helno adeegyo iyo hannaan dowladeed oo bulshada anfaca, hase yeeshee waxa uu noqday maamul ka hooseeya heerkii hay’ad dowladeed. Maamulku wuxuu galay gacanta Firdhiye iyo Abwaanka, waxaana bulshada loola dhaqmaa sida ay iyagu doonaan,” ayuu sheegay.
Makhtal ayaa intaas ku daray in xildhibaanada is casilay ay qorsheynayaan inay maanta ku dhawaaqaan jihada cusub ee siyaasadeed ee ay qaadanayaan iyo magaalada ay saldhig ka dhigan doonaan.
Iscasilaaddan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Fahiima Yuusuf Quuje, oo hore uga tirsanaan jirtay Baarlamaanka Waqooyi Bari, ay dhawaan iska casishay xilkeedii isla markaana dib ugu laabatay Hargeysa.
Sidaas darteed, tirada xildhibaanada ka baxay Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa haatan gaadhay lix mudane.






