Dawladda Dalka Shiinaha oo Soomaaliya U Oglaatay Dhoofinta Kalluun Canshuur Dhaaf ah.

0
10

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala saxiixday heshiis u oggolaanaya in badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliya loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyadoo laga dhaafayo canshuuraha, sida ay sheegtay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee badeecadaha kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah u helaan fursad ay ku galaan suuqa Shiinaha iyagoo ka faa’iideysanaya canshuur-dhaaf, arrintaas oo la filayo inay kordhiso tartanka iyo fursadaha dhoofinta ee kalluumeysatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in heshiisku uu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana uu abuuri doono fursado cusub oo maalgashi iyo iskaashi oo dhinaca kalluumeysiga ah.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, ayaa isna sheegay in heshiisku uu fududeyn doono ganacsiga labada dal, islamarkaana uu kor u qaadi doono iskaashiga dhaqaale iyo is-weydaarsiga ganacsiga.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa ku tilmaantay heshiiskan tallaabo lagu kobcinayo dhoofinta badeecadaha Soomaaliyeed, laguna taageerayo horumarinta dhaqaalaha buluugga iyo abuurista fursado shaqo.