Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib u soo rogay cunaqabateyntii saarnayd dhoofinta saliidda Iiraan, kaddib weerarro lagu qaaday maraakiib shidaal siday oo marayay Marinka Hormuz, arrintaas oo muujinaysa in heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay gaadheen Washington iyo Tehran uu weli yahay mid jilicsan.
Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa laashay ruqsad bishii Juun loogu oggolaaday iibinta saliidda Iiraan, iyadoo shirkadaha ku lug leh macaamiladaasi lagu amray inay dhammeeyaan heshiisyadooda ugu dambayn 17-ka Luulyo. Lacagaha ka dhasha macaamiladaasna waxaa lagu shardiyeeyay in lagu shubo akoono xanniban oo ku yaalla Maraykanka.
Sarkaal ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay waxa uu ku tilmaamay “falalka aan la aqbali karin” oo Iiraan ka waddo Marinka Hormuz. Wuxuu intaas ku daray in heshiiska is-afgaradka ee labada dal uu ku salaysan yahay in Iiraan ay ka faa’iidaysan karto keliya haddii ay muujiso dhaqan wanaagsan, iyadoo wada-hadallada lagu doonayo heshiis waara ay weli socdaan.
Dhanka kale, Xarunta Wadajirka ah ee Macluumaadka Badaha (JMIC) ayaa kor u qaaday heerka khatarta Marinka Hormuz iyada oo ku tilmaantay “mid aad u sarreeysa,” kadib weerarro dhowaan lagu qaaday maraakiib shidaal. Sidoo kale, Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in saddex markab lagu weeraray marinka, laba ka mid ahna ay haleeleen gantaallo aan la garanayn halka ay ka yimaadeen, halka mid kalena lagu dhuftay diyaarad aan duuliyaha lahayn.













