Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay wefti sare oo ka socday Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka socday xafiiska UK ee Somaliland, Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya iyo wakiil ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga ee UK
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo Wasiir Cabdalle uu sharaxay qorshayaasha wasaaraddiisu ku doonayso casriyeynta iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga. Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in labada dhinac iska kaashadaan la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga khataraha amni ee gobolka iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu weftiga u soo bandhigay qorshaha Somaliland National Operations Command Centre (SL-NOCC), oo ah xarun loogu talagalay isku-dubbaridka hay’adaha amniga, wadaagga xogta, maaraynta xaaladaha degdegga ah iyo kor u qaadista awoodda ka jawaabista khataraha amni.
Masuuliyiinta Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib-u-habaynta iyo isbeddelka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyagoo muujiyey taageeradooda dadaallada lagu horumarinayo nidaamka amniga iyo tayeynta hay’adaha amniga ee Somaliland.













