11 Xubnood Al-shabaab ah oo Ciidamada Dalka Kenya Sheegeen in ay ku Dileen Xuduud Beenaadka u Dhaxeeya Labada Dal.

0
44

Ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa sheegay inay dileen 11 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal sirdoon ku saleysnaa oo laga fuliyay xero ay kooxda ku lahayd meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Bayaan ay soo saareen saraakiisha amniga Kenya ayaa lagu sheegay in howlgalka, oo ay fuliyeen cutubyo gaar ah oo ay taageerayeen diyaarado, lagu bartilmaameedsaday ku dhowaad 30 dagaalyahan oo la sheegay inay qorsheynayeen weerar ka dhaca deegaanno ku yaalla gobolka Mandera.

Mas’uuliyiinta Kenya waxay sheegeen in weerarka lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka toddobo kale ay dhaawacyo culus soo gaareen.

Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen saddex qori oo nooca PKM ah iyo rasaas gaaraysa 409 xabbo.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in dagaalyahannadii ka badbaaday howlgalka ay dib ugu gurteen dhinaca Soomaaliya.