Pakistaan iyo Soomaaliya oo ka wada-hadlay Iskaashiga iyo Xoojinta Xuquuqul insaanka.

0
4

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad kulan kula yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Pakistan, Rabiya Javeri Agha, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca xuquuqul insaanka.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta, ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha, iyadoo sidoo kale la is dhaafsaday khibrado ku saabsan doorka hay’adaha madaxa bannaan ee xuquuqul insaanka, dhismaha awooddooda iyo iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Pakistan ayaa wasiirka uga warbixisay horumarka guddigoodu ka sameeyay hannaanka helitaanka aqoonsiga heerka “A”, oo ah heer caalami ah oo la siiyo guddiyada madaxa bannaan ee xuquuqul insaanka ee buuxiya shuruudaha caalamiga ah ee la xiriira madax-bannaanida, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Waxay sidoo kale sheegtay in Pakistan ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ku taageerto tababbarro, aqoon-isweydaarsi iyo khibrad-wadaag lagu xoojinayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo dhowaan la dhammaystiray dhismihiisa.

Dhankeeda, Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Pakistan taageerada iyo ballanqaadka ay u muujisay Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto waayo-aragnimada iyo hannaanka shaqo ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Pakistan si loo xoojiyo hay’adaha qaranka ee u xilsaaran ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.