Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay nooca doorasho ee uu u arko in Soomaaliya ay kaga gudbi karto marxaladda siyaasadeed ee hadda lagu jiro, kaddib markii uu ka qayb galay wareegga labaad ee wada-hadallada doorashooyinka ee Muqdisho uga socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay dowladda Turkiga ayaa waxaa ka qayb galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Nabad iyo Nolol, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen dowladaha Turkiga, Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo loo yaqaan “Quartet-ka”.
Guddiga Farsamo ee Nabad iyo Nolol ayaa sheegay in kulanka maanta diiradda lagu saarayay in dhinac kasta uu soo bandhigo nooca doorasho ee uu mudnaanta siinayo iyo sida looga gudbi karo xaaladda siyaasadeed ee taagan.
Xisbiga ayaa sheegay in nooca doorasho ee uu soo jeedinayo uu ku saleysan yahay toban tilmaamood oo ay ka mid yihiin:
1: Doorasho ay dadku si sahlan u fahmi karaan.
2: Doorasho la wada aamini karo, la wada arki karo, isla markaana adag tahay in lagu murmo.
3: Doorasho waqtiga lagu qabanayo uu kooban yahay.
4: Doorasho loo dhan yahay oo qof kasta oo Soomaali ah oo doonaya inuu codeeyo uu si xor ah u codeyn karo.
5: Doorasho diiwaangelinta iyo codeyntu ay ka dhacayaan hal goob isla markaana hal maalin ah.
6: Doorasho qof walba uu ugu codeynayo xisbiga uu dookhiisu yahay.
7: Doorasho kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo sida xisbiyadu u kala helaan codadka shacabka.
8: Doorasho maamulka iyo amnigeeda ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo mucaaradka.
9: Doorasho mideyneysa shacabka iyo dalka Soomaaliyeed, ilaalineysana xorriyadda iyo madax-bannaanida siyaasadeed.
10: In Nabad iyo Nolol ay diyaar u tahay wax kasta oo Soomaali ku heshiiso, haddii aysan wax u dhimeyn danta dalka iyo dadka.
Nabad iyo Nolol ayaa sidoo kale sheegtay in qaabka doorasho ee ay soo bandhigtay uu yahay kii ay horey u soo diyaariyeen sanadkii 2018, xilligii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo kaashanaya guddigii farsamada ee ka kala socday guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, guddiga xuduudaha iyo hay’adihii iyo xafiisyadii kala duwanaa ee dowladda Federaalka.
Xisbiga ayaa sheegay in doorashadaas hore loo diyaariyay ay tahay isla nooca doorasho ee ay maanta dowladda Federaalka Soomaaliya dooneyso.













