Taliska Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa beeniyay warar sheegayay in askar iyo gaadhi ciidan ay uga goosteen dhinaca Somaliland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada oo ku taariikhaysan 6-da Luulyo 2026, ayaa lagu sheegay in wararka lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada ay yihiin “warar been abuur ah” oo ay faafisay Somaliland.
Taliska ayaa sheegay in ciidamada Waqooyi Bari ay weli ku sugan yihiin fadhiisimahoodii, isla markaana ay sii wadaan difaaca deegaannada ay maamulaan. Waxa ay bulshada ugu baaqeen in aanay rumaysan wararka ay ku tilmaameen kuwo aan xaqiiqada ku salaysnayn, isla markaana xogta rasmiga ah ay ka helaan taliska ciidamada.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu ammaanay ciidamada Daraawiishta Waqooyi Bari, iyadoo lagu bogaadiyay doorkooda difaaca xuduudaha iyo amniga deegaannada maamulka.
Somaliland ayaa degmada Oog ku soo bandhigtay laba askari iyo gaadhi tikniko ah oo ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada Waqooyi Bari, iyada oo loogu soo dhaweeyay safka ciidamada Somaliland.














