Wararka laga helayo deegaanka Sheebaab ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay duqeyn loo adeegsaday madaafiicda hoobiyaha ku burburisey ateeno isgaarsiineed oo ay lahayd shirkadda Golis.
Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, ateenadaasi waxay ahayd xarunta ugu muhiimsan ee isku xirta isgaarsiinta deegaannada Dhasaan, Sheebaab, Dhaadaar, Gaatir Oodan, Qurac iyo miyiga ku teedsan Buqo-Caleed ilaa Miraale, waxaana burburkeeda uu sababay hakad ku yimid adeegyada isgaarsiinta ee deegaannadaas.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in tani ay tahay markii labaad ee ateenadan la burburiyo sanadkan. Bishii Maarso 2026 ayaa sidoo kale la weeraray xaruntan, iyadoo weerarkaas lagu eedeeyey kooxda Daacish.
Sidoo kale, 24-kii Abriil 2026, xilli shirkadda Golis ay dib u dayactir ku waday ateenada, qarax ka dhacay goobta ayaa sababay dhimashada laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda iyo saddex askari oo sugayey ammaanka howlgalka.
Laamaha ammaanka Puntland ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan weerarkan. Hase yeeshee, saraakiil deegaanka ah oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyey in burbur xooggan uu soo gaaray xarunta isgaarsiinta.













