Jamhuuriyadda Islaamiga ah Iran oo Weerar Gantaalo ah ku Qaaday Saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

0
228

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Iiraan ay weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalalka Baxrayn iyo Kuweyt, kadib markii Maraykanku maalintii labaad oo xidhiidh ah duqeymo ka fuliyay xeebaha koonfureed ee Iiraan.

Iiraan ayaa sheegtay inay weerarro aargoosi ah ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalalka Baxrayn iyo Kuweyt, iyadoo jawaab ka bixinaysa duqeymo cusub oo Maraykanku ka fuliyay gudaha Iiraan.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa maalintii labaad oo xidhiidh ah weerarro ka geystay Jasiiradda Qeshm iyo magaalooyinka Sirik iyo Bandar-e Lengeh, kadib weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn ay Iiraan ku qaaday markab ganacsi oo marayay marin-biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iiraan inay jebisay heshiiskii is-afgarad oo u dhexeeyay labada dal, isagoo uga digay Tehran in haddii ay sii waddo weerarrada, Maraykanku uu “dagaal buuxa ku qaadi doono.”

Dhanka kale, Israa’iil ayaa duqeymo ka fulisay koonfurta Lubnaan, halkaas oo ugu yaraan hal qof lagu dilay, maalin kadib heshiis hordhac ah oo ay la saxiixatay dowladda Lubnaan si loo soo afjaro colaadda.