Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay colaadda ka soo cusboonaatay deegaanka Aricaddeeye ee gobolka Bari, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Bayaan ay wasaaraddu soo saartay maanta oo Talaada ah ayaa lagu sheegay in dagaalku uu dhex marayo laba beelood oo walaalo ah, isla markaana uu sababay khasaare naf iyo maalba leh. Wasaaraddu waxay ku tilmaantay colaadda mid halis ku ah nabadda bulshada iyo xasilloonida deegaanka.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday hay’adaha amniga iyo kuwa garsoorka in si degdeg ah loo baaro dhacdada, lana horkeeno caddaaladda cid kasta oo lagu helo inay door ku lahayd hurinta rabshadaha.
Bayaanka ayaa sidoo kale ugu yeeray odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bari inay door firfircoon ka qaataan joojinta colaadda iyo hirgelinta dadaallada nabadeed si looga hortago dhiig kale oo daata.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay shacabka ku nool deegaannada ay xiisaddu ka jirto ugu baaqday inay ka fogaadaan falalka horseedi kara dagaal, isla markaana ay taageeraan dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta si loo ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah.






