Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Teknolojiyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mehmet Fatih Kacır kaa oo diiradda lagu saaray Hindisaha Aagagga Warshadaha ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta warshadaha.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxaa si gaar ah looga wada hadlay muhiimadda ka faa’iidaysiga khibradda iyo waayo-aragnimada Turkiga ee horumarinta warshadaha, si loo taageero dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan warshadaynta dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la horumariyo iskaashi lagu kobcinayo maalgashiga, lagu xoojinayo awoodda wax-soo-saarka, lagu abuurayo fursado shaqo, isla markaana lagu dardargelinayo kobaca dhaqaale ee waara.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay inuu magaalada Istanbul kula kulmay dhiggiisa Turkiga, Mehmet Fatih Kacır, isla markaana ay ka wada hadleen Hindisaha Yagleelidda Aagagga Warshadaha ee Soomaaliya.
“Waxaan Wasiirka la wadaagay Hindisaha Yagleelidda Aagagga Warshadaha ee Soomaaliya, annaga oo sidoo kalena diiradda saarnay arrimaha aan iska kaashan karno, iyo ka faa’idaysiga khibradda Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Jamaal.













