Dowladda Boqortooyada Midowday (UK) ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay wararka ku saabsan rabshadaha iyo iska horimaadyada ka socda Muqdisho, iyadoo ugu baaqday dhinacyada isku haya khilaafka inay muujiyaan is-xakameyn iyo dulqaad.
Qoraal ay daabacday Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rabshaduhu yihiin kuwo aan la aqbali karin, islamarkaana loo baahan yahay in dhammaan dhinacyadu ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara xiisadda.
“Rabshaduhu waa wax aan la aqbali karin. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn isla markaana ay galaan wada-hadal loo dhan yahay oo wax-ku-ool ah si xiisadaha loogu xalliyo si nabad ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Baaqa UK ayaa ku soo beegmaya xilli ay Muqdisho ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo sii xoogeysanaya, kuwaas oo sababay walaac gudaha iyo dibaddaba ah.
Dowladaha iyo saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ku celcelinayay baaqyo ku aaddan in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho qalalaase ballaaran oo saameeya amniga iyo xasilloonida dalka.













