Maaulka Gobolka Gedo oo Sheegay in aan Laga Qaban Doonin Doorasho aan Leysku Raacsaneyn.

0
13

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullahi Shimbir, ayaa sheegay in doorasho kasta oo laga qabanayo gobolka ay tahay in lagu saleeyo wadatashi iyo sharciyad, isaga oo sheegay inaan maamulka gobolka lagala tashan qorsheyaasha doorashooyinka la sheegay in laga qabanayo Gedo.

Gudoomiye Shimbir ayaa sheegay in wada-hadallo ay kula yeesheen Dowladda Federaalka magaalada Muqdisho ay diiradda saareen arrimaha doorashooyinka iyo hirgelinta nidaamka qof iyo cod, balse wuxuu sheegay in khilaafkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, uu saameyn ku yeeshay Gedo.

“Doorasho dadka gobolku aysan ogeyn, annagana aan nalaga tashan, ma aqbaleyno,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in hadda uu jiro dadaal lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland, isaga oo xusay in maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay wada-hadal iyo xal siyaasadeed.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa sidoo kale sheegay in aanu jirin khilaaf ama dagaal kala dhexeeya dowladda federaalka, balse wuxuu ka digay tallaabooyin uu sheegay inay horseedi karaan xiisad siyaasadeed ama mid amni haddii doorasho lagu qabto gobolka iyadoo aan la helin is-afgarad.

Dhanka kale, guddoomiye Shimbir ayaa sheegay in uu soo dhammaaday khilaafkii kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland, isaga oo caddeeyay in ay weli ka tirsan yihiin maamulka Jubbaland.

Hadalka guddoomiyaha Gedo ayaa yimid, iyadoo Dowladda Federalka Soomaaliya oo horey Gedo uga qabsatay Jubbaland ay sheegtay inay ka dhacayaan doorashooyinka qof iyo cod.