Guddi Cusub Dib u eegis ku Samayn doona Manhajka Waxbasho ee Soomaaliya oo La Magacaabay.

0
468

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay magacaabista Guddi cusub oo loo xil saaray Dib-u-eegista Manhajka Qaranka, si loo hirgeliyo talooyinkii ka soo baxay Shirweynihii Qaran ee Dib-u-eegista Waxbarashada ee qabsoomay 8-dii ilaa 12-kii Febraayo 2026.

Guddigan oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Maxamed Cabdulqaadir Nuur, halka Guddoomiye Ku-xigeen loo magacaabay Dr. Cabdullahi Axmed Bariise. Sidoo kale xubnaha guddiga waxaa ku jira aqoonyahanno, culimo, iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha waxbarashada waxaana Daa’uud Maxamed Makaraan isna loo magacaabay Xoghayaha Guddiga.

Xubnaha kale ee Guddiga ku jira ayaa kala ah Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Raqiya Axmed Maxamed, Dr. Maxamed-deeq Ibraahim Cabdi, Dr. Cabdikadir Sheekh Maxamed, Sh. Baashir Axmed Salaad, Mustafa Cabdullahi Cali, Cusman Sheekh Aadan Sheekh Xeydar, Cabdirizak Maxamed Xaashi, Cabdirizak Maxamed Aaden, Cali Maxamed Ahmed (Ali Mowlid), Cabdulqaadir Xassan Axmed (Kadle), Dr. Zaciima Cabdullahi Xaaji Maxamed iyo Raxma Cabdulkaadir Maxamed.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in guddigan uu door weyn ka qaadan doono dib-u-habeynta iyo horumarinta manhajka waxbarashada dalka, gaar ahaan fasallada 1-aad ilaa 12-aad, si loo helo nidaam waxbarasho oo casri ah, mideysan, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha dalka.

Guddiga cusub ayaa sidoo kale si dhow ula shaqeyn doona Wasaaradaha Waxbarashada ee heer Federaal, Dowlad-goboleedyada, iyo bahwadaagta waxbarashada si loo xaqiijiyo tayada waxbarashada dalka.