Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ka go’an tahay ilaalinta amniga maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marin-badeedkeeda, iyada oo muujisay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee ay leedahay goobta juqraafiyeed ee dalka.
“Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida,” ayuu yiri Abuukar Baalle, isaga oo xusay in Soomaaliya ay xoojinayso dadaallada lagu ilaalinayo marin-badeedka.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dhowro xorriyadda maraakiibta ganacsiga, isla markaana la ixtiraamo xuquuqdooda, si loo hubiyo socodka ganacsiga caalamiga ah ee sii maraya xeebaha Soomaaliya.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu horey u joojiyay taageerada howlgallada caalamiga ah ee la dagaalanka burcad-badeedda ee ka howlgalla xeebaha Soomaaliya, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay codsatay in la soo afjaro howlgaladaas oo sanad kaste dhaqaale badan uu ku bixi jiray.













