Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in dowladdu ay joojin doonto lacago uu ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah oo laga qaado beerlayda, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono dadka loo yaqaan “gate keeper”-ka ee dadka ka soo kaxeeya dhulka beeraha.
Wasiirku wuxuu sheegay in dadkaas la xiri doona, isagoo xusay in cid kasta oo dadka beerlayda soo kaxaysa si ay uga faa’iidaysato lacago, la xirayo oo tallaabo sharci ah laga qaadayo.
“Lacagaha sharci darrada ah waa la joojinayaa, cid kasta oo dadka beeraha kasoo kaxaysa oo lacag ka qaadata oo buush u dhista si ay u helaan kaarar mucaawino ah, waa la xirayaa oo xabsi ayaa la gelinayaa,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay jiraan dad si khiyaano ah uga faa’iidaysta beerlayda, iyagoo u sheegaya inay u dhisayaan fursado shaqo, balse markaas kaddib ka qaata lacago, taasoo uu sheegay in la joojinayo.
Dhanka kale, wasiirka ayaa ka digay xaalad adag oo ku saabsan amniga cuntada adduunka, isagoo sheegay in dagaallada caalamiga ah sida kuwa u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, iyo colaadaha ka jira Bariga Dhexe ay saameyn ku yeesheen sahayda cuntada.
Wuxuu xusay in xitaa dalal horey Soomaaliya uga iibin jiray cunno ay mararka qaar diideen inay wax iibiyaan, gaar ahaan xilliyadii ay jireen dhibaatooyinka sida cudurka coronavirus.
“Waxaa dhici karta in qof haysta hanti badan uu gaajo u dhinto haddii sahayda cuntada ay yaraato,” ayuu yiri wasiirku, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdooyin taariikhi ah oo la xiriira dagaalladii waaweynaa ee adduunka.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay hadda diiradda saarayso sidii loo xoojin lahaa wax-soo-saarka gudaha, isla markaana shacabka loogu baraarujin lahaa muhiimadda ay leedahay in lagu tiirsanaado wax-soo-saarka dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay isku dayayso inay isu dheellitirto badbaadinta nolosha dadka iyo ilaalinta wax-soo-saarka dalka, isagoo xusay in marar hore la doorbiday badbaadinta nafaha, balse hadda loo baahan yahay in dib loo soo nooleeyo beeraha iyo wax-soo-saarka gudaha.













