Shirkadda Daalo Airline oo Maamulka Puntland Kala Laabtay Shatigii Duulimaad ee Gudaha Puntland.

0
453

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland ayaa ku dhawaaqday inay shaqada ka joojisay shirkadda duulimaadyada ee Daallo Airlines ee dhammaan garoomada ku yaalla deegaannada Puntland.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in shirkadda Daallo laga laalay ruqsaddii duulimaad, kaddib markii, sida lagu eedeeyay, ay laba jeer khatar gelisay nolosha mas’uuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland.

Wasaaraddu ma faahfaahin dhacdooyinka ay ku saleysay go’aanka, balse waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagu ilaalinayo badbaadada iyo ammaanka rakaabka.

Go’aankan ayaa imaanaya kaddib markii maanta in ka badan 30 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland, dib loogu celiyay magaalada Muqdisho. Xildhibaanadaas ayaa saarnaa diyaarad ku sii jeeday Garowe, hase yeeshee waxaa lagu amray inay ku soo laabtaan caasimadda.

Xildhibaanadan ayaa u socday inay ka qeyb galaan shir wadatashi ah oo uu ku casuumay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, islamarkaana lagu waday inuu qabsoomo maalinta xigta.

Weli maamulka shirkadda Daallo airline kama hadlin go’aanka Puntland.

Puntland oo ruqsaddii kala laabatay shirkadda Daallo Airlines