Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Cadaaladda Dowladda Aljeeriya, Lotfi Boudjemaa, ayaa magaalada Algiers ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda ee labada dal.
Munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada wasaaradood ee cadaaladda.
Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, wuxuuna diiradda saaraya is-dhaafsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada la xiriirta dib-u-habeynta iyo tayeynta nidaamka caddaaladda iyo hay’adaha garsoorka.
Qodobada heshiiska ayaa si gaar ah xoogga u saaraya horumarinta sharciyada iyo habraacyada maxkamadaha, kor u qaadista madaxbannaanida garsoorka, ku dhaqanka sarreynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dhiso nidaam caddaaladeed oo hufan, la isku halleyn karo, isla markaana ka jawaaba baahiyaha muwaadiniinta sida lagu sheegay war laga soo saaray saxiixa heshiiskaan.
Sidoo kale, heshiiskan Is-afgarad ayaa lagu tilmaamay mid fure u noqonaya kordhinta iskaashiga dhinacyada tacliinta iyo cilmi-baarista sharciga, dib-u-habaynta nidaamka xabsiyada, horumarinta kaabayaasha garsoorka, iyo adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah ee lagula tacaalayo dambiyada casriga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira tiknoolajiyada iyo isgaarsiinta.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa muujiyay muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha cadaaladda, iyagoo adkeeyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta qodobada heshiiska, si loo gaaro horumar waara oo dhinaca caddaaladda ah.












