Eedeysane loo haysto in uu Deegaanka Tafafle ee Gobolka Sool Qof ku Dilay oo Booliska Maamulka Waqooyi Bari ku Raad Joogaan..

0
328

Ciidanka Booliska Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa wada baadi-goob ballaadhan oo lagu doonayo eedaysane ka dambeeyay fal dil ah oo ka dhacay deegaanka Tafafle ee gobolka Sool.

Dhacdadan ayaa la sheegay inay dhacday daraad oo ay taariikhdu ahayd 05 Febraayo 2026, abaare 5:00 galabnimo. Falkaasi ayaa sababay geerida marxuum Awal Cabdiqaadir Khaliif Ina Dhool Cabdiqani Khadar Yare, oo 30 jir ahaa.

Sida ay sheegeen ciidanka ammaanku, eedaysanaha dilka loo haysto ayaa lagu magacaabaa Carte Saleebaan Jaamac Aadan, oo loo yaqaan (Cartan), kaas oo goobta ka baxsaday kadib dhacdada.

Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa sheegay inay wadaan howlgallo lagu raadinayo eedaysanaha, islamarkaana ay ka go’an tahay in la soo qabto lana horkeeno cadaaladda.

Boolisku waxa ay ugu baaqeen bulshada ku nool gobolka Sool inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta soo qabashada eedaysanaha.

Booliska ayaa sidoo kale xusay in qof kasta oo haya macluumaad la xidhiidha eedaysanaha ay usoo gudbiyaan xarumaha booliiska.