Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah ku xoojisay ciidankeeda jooga Xadka ay la wadaagto Soomaaliya si ay uga hortagaan weeraro ay ka cabsi qabaan in gudaha dalka Kenya ka geystaan kooxda Al-shabaab.
Ciidanka Militariga dalka Kenya oo wata gaadiid badan ayaa la sheegay iney u soo gudbeen dhinaca Xadka Soomaaliya, kuwaas oo lagu kordhiyay ciidamada ka howlgalla goobaha ay isaga kala gudbaan Gawaarada isaga kala gudba labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.
Kordhinta ciidanka Kenya ee ku sugan xadka ay la wadaagaan Soomaaliya ayaa timid la sheegay kadib markii uu dhawaan Madaxweynaha dalkaasi Kenya Saraakiisha ciidamada Militariga, Sirdoonka iyo Booliiska uu kala hadlay adkaynta nabadgalyada iyo ka hortagga weerarada Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee dowlada Kenya ayaa arintan kaga gol leh inuusan wax culays ah ku imaanin wadooyinka muhiimka u ah isu socodka ciidankeeda ka jooga Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada maamulka Jubbaland oo ay si joogto ah Sahayda ugu mariyaan dhulka.
Ugu dambeyntii talaabadaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo kooxda Al-shabaab marar badan weeraro khasaare kala duwan geystay ay ka dhex fulisay qaar ka mid deegaano ku yaala gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca gobolka Waqooyi Bari.











