Dagaal Maanta ka Dhacay Degmada Hodon oo Ra’iisal Wasaarayaashii Hore ku Eedeeyeen Dawladda Federalka Soomaaliya.

0
392

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdooyinkii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodan iyagoona eedeyn culus ujeediyay Dowladda Soomaaliya.

Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ku tilmaamay dhacdadaasi musiibo qaran oo aan marna la aqbali karin, Wuxuu si adag u dhaleeceeyay adeegsiga hub culus oo lagula kacay dad rayid ah, isagoo ku sifeeyay falkaasi inuu yahay mid meel ka dhac ku ah bini’aadantinimada, sharciga, iyo qiyamka ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray ehelada dadka ku naf waayay rabshadahan, wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay,Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo qaado ciidamada dowladda ee uu ku tilmaamay kuwo jahwareersan oo dhibaato ku haya bulshada deegaanka.

Rooble wuxuu si cad u dalbaday in sharciga la horkeeno cid kasta oo mas’uul ka ah dhiigga dad rayid ah oo ku daatay dhacdadan, si cadaaladda loo helo loogana hortago in mar kale la arko falal noocan oo kale ah.

Dhinaca Kale, Ra’iisul wasaarihii isaga ka horeeyay Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul waxa uu Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ugu eedeeyay inay wado dhul boob, waxaana uu ka digay in xaaladda oo sidaan kusii socoto ay wax u dhimi doonto xasiloonida dalka.

“Waa arrin aad u murugo badan in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo loo tababaray in ay shacabka difaacaan oo ay la dagaallamaan xagjirnimada, maanta loo adeegsado amar ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in lagu dilo dad rayid ah, lagu qabsado dhul dadweyne, laguna barakiciyo qoysas nugul oo aan waxba haysan.” ayuu ku yiri Kheyre war uu soo dhigay baraha Bulshada uu kuleeyahay.

“Mar kale waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si degdeg ah u joojiyo dhul boobka sharci darrada ah, dilalka shacabka, iyo barakicinta dadka masaakiinta ah ee ku nool caasimadda.” ayuu sii raaciyay warkiisa.

Xaaladda Tarabuunka ayaa dhalisay walaac weyn oo ka dhex abuurmay shacabka iyo hoggaanka siyaasadeed, taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo wadahadal nabadeed iyo is-xakameyn.