Wafdi uu hugaaminayo m/weynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya oo u ambabaxey dalka turkiga.

0
505

Iyadoo ay bilaabatey safaro ka baxsan afrika oo uu m/weyne prof. Xasan sheekh maxamuud ugu ambabaxo dalalka caalamka ayaa waxaa safarkii koowaad nasiib u heley dalka turkiga oo saaxib dhaw la ah dalka soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumada dr saacid taliyeyaal ciidan iyo marwada m/weynaha ayaa casumaad rasmi ah ka heley m/weynaha dalka turkiga abdalla guul,iyadoo la filayo in ay kala soo hadli doonaan dhinacyo farabadan oo labada dal khuseeya.

Wafdiga oo ay garoonka kusii sagootiyeen gud.barlamaanka maxamed sh. Cismaan jawaari,ra’iisalwasaaraha xukuumada dr saacid, wasiiro,xildhibaano,iyo madax kale ayaa la filayaa in ay booqasho gaaban ku tagaan dalkaasi turkiga,kaas oo ay dad badan iyo siyaasiin odorasa hanaanka siyaasada dalka somaaliya ay tilmaameen in booqashadaasi ay muhiim u tahey dalka soomaaliya,iyadoo wax walba ku xirnaan doonaan hadba waxa ay isla fahmaan madaxda labada dal waa turkiga iyo soomaaliya’e.