Iyadoo Uu Maalinkii Shalay Ahaa Weerar Xoogan Ay Al-shabaab Ku Qaadeen Waziiro Dowlada Soomaaliya Ka Tirsan Ayaa Maantana Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab Usuura Gashay In Ay Markale Weerar Dhaba Gal Ah Ku Qaadaan Isla Waziiraddii Shalay
Sarkaal Ka Tirsan Dagaalyahanada xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno iyo degmooyin katitsan dalka Somaaliya Gaar Ahaan Gobolada Sh/hoose Iyo Gobolo Kale Oo Ay Maamulaan Dowlada.
Sheekh C/caziiz Abuu Muscab Afhayeenka dhanka ciidamada Shabaabul-mujahidiin oo lahadlay Warbaahinta ayaa faah faahiyay khasaaraha gaaray Dhankooda Iyo Kuwa Ay Gaarsiiyeen Masuuliyiintii Dowkada Ka Tirsaneyd oo Ay Weerarka Ku Soo Qaadeen.
Sidoo Kale Sh.Abuu Muscab Ayaa wuxuu Sheegay In weeraro kamiin ah oo ka kala dhacay duleedka Shalaanbood iyo Bardaale Ay Qasaaro Ba’an Ku Gaarsiiyeen Ciidamada Uu Ku Sheegay Cadowga Alle Isagoona Xusay In Ay Sii Socon Doonto Weerarada Dhaba Galka Ah Oo Ay Ku Bartilmaameedsan Doonaan Saraakiisha Ciidamada Iyo Guud Ahaanba Dowlada Soomaaliya.




