Wasiirka gaashaandhiga dalka jabuuti oo booqasho ku yimid gobolka hiiraan magaalada B/weyne.

0
476

Wasiirka gaashaandhiga dalka jabuuti ayaa ku yimid gobolka hiiraan magaalada b/weyne,booqashadan oo aan hore loo sii shaacin ayaa waxey ka danbeysey booqasho uu dhawaan ku tagey m/weyne xasan sheekh iyo wafti uu hugaaminayey kaasoo m/weynuhu sheegey in ay heshiis xaga dhaqaalaha iyo amniga lasoo galeen dalalka jabuuti iyo ethoipia.

Lama oga waxa ugu weyn ee wasiirku u yimid gobolka hiiraan oo ay joogaan ciidamo aan aad u badneyn kuwaasoo ka qeyb ah ciidamada isku magacaaba Amisom iyadoo ay gobolka la joogaan ciidamo ka badan oo ethopian aan magacaas shaqo ku laheyn ah,kuwaasoo markii ay doonaan gudaha soomaaliya u soo gala markey doonaana isaga baxa iyagoon wax ogolaansho ama diidmo aan cidna ka heysan.

Booqashada wasiirka ayaa ah midii ugu horeysey ee maqaamkan oo kale ah,waxeyna u muuqataa mid niyada loogu dhisayo ciidamada iyo shacabka reer hiiraan oo beryahan khal khal amni daro ka jirey oo lagu diley dad magac bulshada ku dhex leh oo muctarif ah,taas oo aaney ciidamada jabuuti waxba ka qaban karin.