Iyadoo in mudo ahba laga doodayey xeer hoosaadka baarlamaanku ku shaqeyndoono afarta sano ee soo socota hadii alle idmo ayaa maanta si buuxda loo ansixiyey.
Xeer hoosaadkan oo ka kooban 11 cutub ayaan shacabku ogeyn waxa uu qorayo waxaana laga yaabaa in xubnaha baarlamaanku u isticmaali karaan la jiifiyaana banaan marka loo eego dastuurka dhawr iyo labaatanka nuuc ah kaas oo la sheego in dawlada federalku ku dhisantahey.
Maahan markii ugu horeysey oo xubno baarlamaan sheegaan in ay isku raaceen qodobo dastuuri ah ama xeer hoosaadyo hadana ma dhamaado muranka iyo ismaandhaafka dhexdooda yaala,si kastaba ha ahaatee xubnaha baarlamaanka ayaa dhawaan laaley ama tuurey qodob dastuuri ah oo ahaa in madaxweynuhu kala diri karo baarlamaanka hadii ay xukuumada ansixinwaayaan,taasoo ay u arkeen in gorgortankooda uu lid ku yahey in kastoo xukuumadii dr saacid la ansixiyey si aan muran laheyn.




