Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka gaashaandhiga Wasiirka Gaashaandhiga Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Ka Mid Ahaa Wafdigii Uu Horkacayay Madaxweyne Gur Guurte Socdaalkooduna Ku Soo Maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa sheegay in dalalkaas ay u ballan qaaden in ay dawladda ka caawiyaan dib u dhiska lagu wado ciidankii Soomaaliya Oo Haatan Aan Awoodin Sugida Amaanka Dalka.
Sidoo Kale Waxa Kaloo Wasiirka Uu sheegay in uu dalalkaas la soo saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidanka qalabka sida, Waxaana wasiirku sheegay in dalalkaas ay wadaagaan waxyaabo badan oo ay ka mid tahay sugida nabadgelyada Dalka Soomaaliya.
Dalka Itoobiya oo siyaasadda Soomaaliya muddo dheer faraha kula jirey ayaa ciidamo badan ka joogaan Gobolada Baay, Gedo iyo Hiiraan, Iyadoona Sidoo Kale Ay Dawladda jabuuti ka mid noqotey hawlagalada AMISOM waxaana ciidankeeda ugu badan ay ku sugan yihiin gobolka Hiiraan. waxaana dhawaan raysalwasaaraha dalk itoobiya sheegay in aysan la baxayn ciidankooda ilaa Ciidamada Midowga Africa ay la wareegaan xarumaha al-shabaab Ay Haatan Maamulaan.




