Ciidamada Amaanka Suuqa Bakaaraha ayaa Maanta Lagu Weeraray Qarax Bum-ka Nooca Gacanta Laga Tuuro xilli ay ku sugnaayeen gudaha suuqa Bakaaraha Muqdisho Howlgalna Halkaasi Ay Ka Wadeen.
Qaraxaani Lagu Weeraray Ciidamada Dowlada Ee Ku Sugan Bakaaraha ayaa Dhawaqiisa Waxaa Laga maqalay wadada 2-aad ee Bakaaraha Iyo Qeybo Badan Oo Ku Hareereesan Suuqa weyn Ee Bakaaraha.
Ciidamada Dowlada Ee Bakaaraha Gaar Ahaan agagaarka shirkadda Xawaaladda Hodon Global Ayaa Qaraxa kadib waxa ay furayeen Rasaas Xoogan Oo Had Iyo Gooraale Astaantooda Ay Tahay Waqtiyada Lala Bartilmaameedsado Qaraxyada Noocaani Oo Kale Ah.
Ilaa Iyo Haatan Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee Ciidamada dowladda kasoo gaaray weerarkii maanta Lagu Tuuray Bum-kaasi Iyadoona Wararka Qaar Ay Sheegayaan In Ay 2 Askar Waxyeelo Ay Ka Soo Gaartay Qaraxaasi.




