Al-shabaab oo weerar ku qaadey kolonyo ciidamo kenyan marayey degaano ka mid ah gobolka gedo.

0
493

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa caawa weerar culus ku qaadeen Kolonyo ciidamo isugu jira DF iyo kuwa Kenya Kuwaasoo Marayay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

Sida Uu Inoo Xaqiijiyay Goobjooge ku sugan Deegaano Ka Mid Ah gobolka Gedo Ayaa sheegay in Caawa Ciidamada Shabaab Ay wadada u galeen Guuto Ciidamo ka tirsan Dowladaha Iskaashanaya Ee Soomaaliya iyo Kenya Kuwaa oo marayay deegaanka Fax-fax Dhuun oo qiyaastii 45 KM u jirta magaalada Baardheere.

Weerarka ayaa bilowday caawa salaada maqrib kaasoo soo gaaray ilaa 9:45 daqiiqo Sida Lagu Soo Waramayo Waxaana wararku ay sheegayaan dagaalka In Uu Ahaa Mid culus Ayna Jiri Karaan Qasaaro Soo Kala Gaaray Labada Dhinac.