Axmed M.Fiqi Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho,Jawaab Kululna Ka Bixiyay Warar Been Abuur Ah Ay Warbaahinada Qaar Ka Fidiyeen.

0
503

Axmed Macalin Fiqi Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Oo Qaar Ka Mid Ah Wakaalado Iyo Warbaahinada Soomaaliyeed Warar Been Abuur Ah Ka Fidiyeen Ayaa Dhawaan Soo Gaaray Gudaha Dalka Soomaaliya Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho Si Uu U Sii Wato Howlihii Ay Amaanka Dalka Ku Sugayeen.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com Oo Maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho Ku Booqatay Maanta Agaasimaha Nabad Sugida Qaranka Mudane.Fiqi Ayaa Waxa Uu Ka Warbixiyay Sababaha Uu Dalka Ugu Maqnaa Iyo Waliba Warbaahinada Qaar Wararkii Been Abuurka Ahaa Oo Ay Ka Fidiyeen Kaa Oo Ku Aadanaa In Uu Ka Cararay Dalka Soomaaliya Oo Uu Dalka Iswedan Iska Diibay Si Ay Amaankiisa U Damaanad Qaadaan Taasina Ay Aheyd Waxba Kama Jiraan Sida Uu Sheegay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi,

”Aniga Waxa Aan Ku Maqnaa Qaar Ka Mid Ah Wadamada Caalamka Waxaana Ujeedaka Socdaalkeygu Uu Ahaa Sidii Aan Wadahadalo Ku Aadan Taageero Dhanwalbo Ah Sidii Ay Ugu Garbin Lahaaeen Hay’adda Nabad Sugida Aan Ula Soo Qaadan Lahaa Dowlada Dhowr Ah Wexeyna Ii Soo Balan Qaadeen In Ay Dhanwalbo Ka Taageerayaan Ciidmada Hay’adda Nabad Sugida”Ayuu Yirri Axmed Fiqi.

Sidoo Kale Waxaan Wax Ka Weydinay Wararka Ay Warbaahinada Isla Dhexmarayeen Oo Ahaa In Fiqi Uu Iska Dhiibay Dalka Swedan Waxa Uuna Sheegay In Arintaasi Ay Tahay Waxba Kama Jiraan Warbaahinadaasina Ay Yihiin Kuwa Diidan Howlaha Hagaasan Oo Ay Hay’adda Nabad Sugida Ka Wadaan Gudaha Dalka Soomaaliya Isagoona Carabka Ku Dhuftay In Ay Sii Wadi Doonaan Shaqada Ay U Hayaan Dadka Iyo Dalka Soomaaliyeed Haatanna Ay Meel Hagaagsan U Marayaaan Sugida Amaanka Dalka.

Kulankaani Ay Warsom.com La Yeelatay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Ayaa Imaanaya Xilli Dhawaan Ay Wakaalado Iyo Warbaahino Dhowr Ah Baahiyeen Warar Ku Aadan In Uu Fiqi Ka Cararay Dalka Soomaaliya Iskana Dhiibay Wadanka Swedan Taasina Ay Tahay Waxba Kama Jiraan Maadaama Oo Uu Agaasimaha Soo Gaaray Muqdisho Howlihiisiina Uu Si Hagaasan U Sii Wato.