Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya (NIEBC) ayaa siddeed maalmood ku kordhiyey muddada kama dambaysta ah ee ururrada siyaasadeed ay ku gudbinayaan dukumentiyada looga baahan yahay diiwaangelintooda, kaddib codsiyo ay sheegeen in uga yimid qaar ka mid ah ururrada doonaya inay ka qaybqaataan doorashooyinka dalka.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray 22-ka Nofeembar 2026 ayuu ku shaaciyey in muddada gudbinta dukumentiyada, oo markii hore ku ekayd 22-ka Nofeembar, loo kordhiyey ilaa 30-ka Nofeembar 2026.
Guddiga ayaa sheegay in go’aanka kordhinta muddada uu yimid kaddib markii uu helay codsiyo ka yimid ururro siyaasadeed oo doonaya inay ka qaybqaataan doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo codsaday waqti dheeraad ah oo ay ku dhammaystiraan shuruudaha iyo dukumentiyada looga baahan yahay diiwaangelinta.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa xusay in go’aankaasi uu waafaqsan yahay awoodaha sharciyeed ee guddiga siinayaan Qodobka 10-aad, faqraddiisa afraad, ee Sharciga Dhismaha Guddiga iyo Qodobka 7-aad, faqraddiisa (j), ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyey in ururrada siyaasadeed ee doonaya inay ka qaybqaataan hannaanka doorashooyinka laga doonayo inay dukumentiyadooda ku soo gudbiyaan muddada cusub ee loo asteeyey, isla markaana ay dhammaystiraan dhammaan shuruudaha diiwaangelinta.





