Xisbiga talada Somaliland haya ee Waddani ayaa si adag uga jawaabay mowqifka xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ee ka dhanka ah safaaradda Somaliland ee laga furay magaalada Qudus, isaga oo ku adkaystay in aqoonsiga Somaliland iyo safaaradda Qudus ay yihiin arrimo aan la kala saari karin.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in cid kasta oo taageersan aqoonsiga Somaliland ay tahay inay sidoo kale taageerto tallaabooyinka lagu gaadhay. Waxa uu sheegay in aanay suurtogal ahayn in la yidhaahdo aqoonsiga waa la taageersan yahay balse safaaradda Qudus waa la diidan yahay.
“Ictiraafka Somaliland waa hal shay, laba shay oo la kala qaybiyo maaha. Haddii aad safaaradda Qudus diidan tahay, si cad u sheeg inaad aqoonsigana kasoo horjeeddo. Waxaad shacabka ku jahawareerin karto maaha. Waxa muuqata inaad isku dayday inaad khilaaf diimeed bulshada ka dhex abuurto, mana aha in arrimaha siyaasadda la diimeeyo. Arrinta aqoonsigu waa arrin siyaasadeed, Somalilandna waa inay heshaa aqoonsi oo ay ka baxdaa go’doominta,” ayuu yidhi Xirsi.
Hadalka Guddoomiyaha Waddani ayaa imanaya iyadoo gudaha xisbiga Kaah uu ka dhashay khilaaf ku saabsan mowqifka safaaradda Qudus. Laba guddoomiye ku-xigeen oo ka tirsan xisbiga ayaa si cad uga horyimid go’aanka xisbiga, iyada oo mid ka mid ah xilkii laga qaaday, halka kan kalena uu xalay si fagaare ah uga hadlay arrinta, inkasta oo aan weli la shaacin in tallaabo maamul laga qaadi doono.
Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysanaysa in magaalada Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil, iyadoo sheegtay in safaaradda Somaliland laga furay Galbeedka Qudus, oo ay ku doodayso in dalal badan oo caalamka ahi u aqoonsan yihiin dhul ay Israa’iil maamusho.
Madaxda Falastiinta ayaa iguna hore u sheegay in Bariga Qudus ay tahay caasimadda dowladda Falastiin, halka Galbeedka Qudusna ay tahay dhul Israa’iil leedahay, waana dooda hadda ay xukuumadu isticmaalayso.













