Hay’adda Qatar Charity ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay qorshe ay ku hirgelinayso 48 mashruuc oo caafimaad inta u dhaxaysa sannadaha 2026–2027, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka laguna gaarsiinayo daryeel caafimaad bulshada ugu nugul ee Soomaaliya.
Sida lagu sheegay munaasabadda daah-furka, mashaariicdan waxay ka kooban yihiin sagaal barnaamij oo waaweyn, waxaana laga fulin doonaa gobollo kala duwan oo dalka ah, Hay’addu waxay sheegtay in qorshahan uu si toos ah uga faa’iideysan doono 49,834 qof oo isugu jira qoysaska dakhligoodu hooseeyo iyo dadka aadka ugu baahan adeegyada caafimaadka.
Xafladda daah-furka waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Maryam Mohamed Hussein, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Yuusuf Xasan Isxaaq, Agaasimaha Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifataax Aadan Macallin, iyo Agaasimaha Hawlgallada Horumarineed ee Caalamiga ah ee Qatar Charity Ibrahim Al-Janahi.
Barnaamijyada la shaaciyey ayaa diiradda saaraya la dagaallanka nafaqo-darrada, dib-u-soo-celinta aragga iyo ka hortagga indho la’aanta, bixinta dawooyinka iyo agabka caafimaadka, daaweynta cudurrada daba-dheeraada, qalliinnada wadnaha carruurta, taageeridda bukaannada sifeynta kelyaha iyo adeegyo kale oo loogu talagalay xaaladaha caafimaad ee halista ku ah nolosha.
Qatar Charity ayaa sheegtay in barnaamijka la dagaallanka nafaqo-darradu uu noqon doono mashruuca ugu ballaaran, isagoo gaari doona 21,672 qof, halka barnaamijka dib-u-soo-celinta aragga ee “Ibsaar” la qorsheeyay inuu ka faa’iideysto 10,000 qof. Kumannaan kale ayaa sidoo kale heli doona dawooyin, qalab caafimaad iyo adeegyo takhasus leh.
Hay’addu waxay sheegtay in mashaariicdan ay qeyb ka yihiin dadaalladeeda ay ku taageereyso horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee ay wada shaqeyntu kala dhexeyso, si loo xoojiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo waara loona gaaro bulshada baahida ugu weyn qabta.













