Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo lagu ansixiyey dhismaha Xarunta Adeegga Mideysan ee “Halmeel”, oo hoos tagi doonta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Xaruntan cusub ayaa loo aas-aasay in ay isku dubbariddo adeegyada kala duwan ee dowladda, isla markaana mideyso hanaanka bixinta adeegyada dadweynaha, si muwaadiniintu u helaan adeegyo fudud, isku xiran, oo hufan.
Sidoo kale, waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa yareynta caqabadaha xafiisyada badan iyo fududeynta is-weydaarsiga xogta hay’adaha dowladda sida lagu yiri war kasoo baxay fadhigii maanta ee Golaha Wasiirada.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiis caalami ah oo hoos yimaada Qaramada Midoobay, kaas oo ku saabsan ilaalinta iyo isticmaalka waara ee khayraadka noolaha badda ee meelaha ka baxsan awoodda dalalka (BBNJ Agreement).
Intii uu kulanku socday, Golaha Wasiirrada ayaa la horgeeyay warbixinno kala duwan oo la xiriira xaaladda amniga dalka, dhaqaalaha, iyo heerka biyaha wabiyada. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa soo bandhigtay daraasad dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda wabiyada iyo saameynta ay ku leeyihiin wax-soo-saarka beeraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo xusay in warbixinta amniga ay muujisay horumar muuqda oo laga gaaray sugidda amniga dalka, isla markaana ay si weyn hoos ugu dhaceen falalkii amni-darro.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay dowladdu dadaal ugu jirto horumarinta adeegyada dadweynaha iyo xoojinta amniga guud ee dalka.













