Markab Shidaal u siday Magaalada Muqdisho oo Lagu Afduubtay Xeebaha Puntland.

0
4

Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxaysa markab lagu magacaabo Honour 25 oo ay kooxaha burcad-badeeddu ku afduubteen xeebaha Soomaaliya, kaas oo shalay aan baahinay xogtiisa oo kooban.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa u xaqiijiyay HOL in  markabku uu sido qiyaastii 18,500 foosto oo shidaal ah oo loo waday magaalada Muqdisho, halkaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka jirto qiimo koror ku yimid shidaalka.

Dhanka kale, wararka ayaa tilmaamaya in markabka hadda lagu hayo meel u dhow xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhaxaysa magaalooyinka kalluumeysiga ee Xaafun iyo Bander Beyla, halkaas oo uu ku xiran yahay isagoo weli gacanta ugu jira kooxaha burcad-badeedda.

Sidoo kale, xogta aan ka helayno markabka waxay muujineysaa in tirada ragga weerarka qaaday ay korortay, iyadoo lixdii nin ee hore ay ku biireen shan kale, taasoo ka dhigeysa guud ahaan 11 nin oo hubeysan oo hadda la wareegay markabka.

Saraakiisha ayaa weli isku dayaya inay ogaadaan sida saxda ah ee ay kooxahani ugu suurtagashay inay qabsadaan markabka, iyadoo la tuhunsan yahay inay ka soo baxeen deegaan ku dhow Bander Beyla.