In ka badan nus milyan qof ayaa ku barakacay dalka Lubnaan kadib markii ay dib u qarxeen dagaallada u dhexeeya Israa’iil iyo ururka Hezbollah, xilli colaadda gobolka ay sii xoogaysanayso kadib dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iran.
Sida ay sheegtay warbaahinta Al Jazeera, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Lubnaan Haneen Sayed ayaa sheegay in tirada dadka iska diiwaangeliyay nidaamka dowladda ee loogu talagalay dadka barakacay ay gaadhay 517,000 qof, tan iyo markii dagaalladu dib u bilaabmeen toddobaadkii hore. Dadkaas waxaa ka mid ah 117,228 qof oo hadda ku nool guryo ay dowladdu u diyaarisay.
Xaaladda ayaa sii xumaatay kadib markii Israa’iil ay ballaadhisay ololaheeda milatari, iyadoo markii ugu horreysay duqeymo ka fulisay bafhtamaha magaalada Beirut, gaar ahaan xaafadaha koonfureed ee caasimadda. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sare u qaaday heerka colaadda ka socota dalka. Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 394 qof ay ku dhinteen dagaallada toddobaadkii u dambeeyay, kuwaas oo ay ku jiraan 83 carruur ah, 42 haween ah iyo 9 shaqaale gurmad degdeg ah.
Subaxnimadii Axadda, diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Israa’iil ayaa weerartay qol hoteel ku yaalla xaafadda Raouche, oo ah goob xeebeed caan ah oo dalxiisayaashu aad u booqdaan, isla markaana dhowaan hoy u noqotay kumannaan qof oo ka barakacay dagaallada. Weerarkaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof, halka toban kale ay ku dhaawacmeen.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay shan taliye oo sare oo ka tirsan Xoogaga Quds, oo ah qayb ka mid ah ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ee qaabilsan hawlgallada dibadda. Colaadda Lubnaan ayaa dib u qaraxday Isniintii la soo dhaafay kadib markii Hezbollah ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Israa’iil, iyagoo sheegay inay uga aargudanayaan dilkii hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo lagu dilay duqeymo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil bishii hore.
Weerarkaas kadib, Israa’iil ayaa bilowday duqeymo culus oo ka dhacay koonfurta iyo bariga Lubnaan, iyo sidoo kale xaafadaha koonfureed ee Beirut, halka ciidamadeeda dhulka ay ku sii siqayaan gudaha koonfurta dalka, iyagoo qabsaday buuro dhowr ah oo ku dhow xadka. Dhanka kale, milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay dhimashada laba askari oo Israa’iili ah oo ku dhintay dagaal ka dhacay koonfurta Lubnaan, kuwaas oo noqday askartii ugu horreysay ee Israa’iil ee ku dhimata colaaddan tan iyo markii dagaalladu dib u bilaabmeen toddobaadkii hore.
Hezbollah ayaa weli sii wada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku weerarayso waqooyiga Israa’iil, iyadoo sheegtay inay dagaal toos ah kula jirto ciidamada Israa’iil meel u dhow magaalada xuduudda ku taalla ee Aitaroun. Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa sheegay in dalkiisu “lagu jiiday dagaal burburinaya oo aanu doonayn,” isaga oo ka digay in barakaca baaxadda leh ee ka socda dalka uu keeni karo dhibaato bini’aadantinimo iyo mid siyaasadeed oo aan hore loo arag.
Dhanka Israa’iil, milatarigu wuxuu sheegay inay dileen ku dhawaad 200 dagaalyahan oo ka tirsan Hezbollah tan iyo markii dagaalladu dib u bilowdeen, inkastoo ururkaasi aanu weli si rasmi ah u shaacin khasaaraha soo gaadhay.













