Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa digniin adag u diray hoggaanka Eriteriya, isaga oo sheegay in dalkiisu aanu mar kale oggolaan doonin isku day kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacabka Itoobiya.
Abiy oo waraysi ku bixiyay afka Tigrinya, kana hadlayay dagaalkii Tigray, ayaa si kulul u cambaareeyay falal uu ku tilmaamay xasuuq iyo boob baahsan oo ay geysteen ciidamo ka socday Eriteriya oo galay gobolka Tigray.
“Waxaan ku bilownay wanaag, balse shar ayaa nalagu riixay,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu, isaga oo qiray in markii hore Itoobiya ay soo dhawaysay taageerada milatari ee Eriteriya intii uu socday dagaalku, balse uu xusay in taageeradaasi aanay dabooli karin falal dambiyadii xigay.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in xilligaas dowladda federaalku ku mashquulsanayd dagaalka ay kula jirtay xoogagga Tigray, taasoo keentay in aanay awood u helin inay si buuxda uga hortagto waxa uu ku tilmaamay faragelin shisheeye.
Sidoo kale, Abiy ayaa si toos ah u dhaliilay xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Eriteriya, isaga oo ku eedeeyay hoggaankeeda in aanu mudnaan siin horumar iyo isbeddel nabad ah. Wuxuu xusay in Itoobiya si fiican u taqaan hab-dhaqanka waxa uu ugu yeedhay “Shabia,” oo ah magaca loo yaqaan xisbiga talada Eriteriya haya.
“Si fiican ayaanu u naqaan. Fursad kale ma siin doonno inuu dadkeenna waxyeeleeyo. Haddii uu isku dayo, waxaan aaminsanahay inay noqon doonto isku daygiisii ugu dambeeyay,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu.













