Isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil oo Sheegtay in ay Quusiyeen 20 Markab Iran ay Lahayd.

0
287

Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ayaa si weyn u cirka iskugy sii shareertay, kaddib markii taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ee United States Central Command (CENTCOM) uu shaaciyay in ay weerareen ama quusiyeen in ka badan 20 markab oo ay leeyihiin ciidamada badda Iiraan.

War-saxaafadeedka kasoo baxay taliskaasi ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah maraakiibta Iiraan lagu dhuftay torpedo xilli uu ku sugnaa biyo caalami ah oo ku yaalla Badweynta Hindiya. Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan uu galay marxalad aad u khatar badan.

Dhanka kale, ciidamada badda Sri Lanka ayaa xaqiijiyay inay badbaadiyeen 32 qof, kaddib markii ay heleen fariin degdeg ah oo ka timid markab ciidan oo Iiraani ah oo lagu magacaabo IRIS Dena, kaas oo la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa maraakiibta la beegsaday.

Hadaba, Iiraan ayaa iyaduna kordhisay weerarrada ay ku beegsanayso saldhigyada Maraykanka,  safaatadaha iyo goobaha shidaalka ee dalalka Khaliijka. Aqalka Cad ayaa sheegay in muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe hore loogu wargeliyay inay ka baxaan gobolka, ka hor inta aanay Iiraan fulin weerarradeeda.

Tirada dhimashada guud ahaan gobolka ayaa sii kordheysa. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in in ka badan 940 qof ay ku dhinteen weerarrada ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil, halka 11 qof ay ku dhinteen Israa’iil kaddib gantaallo ay Iiraan ku garaacday. Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale shaacisay magacyada afar askari oo ka mid ahaa lix askari oo ku dhintay weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo Iiraan leedahay ku beegsadeen.

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoo la filayo mowjado cusub oo weerarro ah maalmaha soo socda. Arrimahan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaalku isu beddelo mid si buuxda ugu fida gobolka, islamarkaana saameeya amniga iyo dhaqaalaha caalamka.