Wada hadalada u Dhexeeye Dawladda Federalka iyo Mucaaradka oo Midowga Yurub aad u Soo Dhaweeyeen.

0
404

Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay bilowga wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaddib kulan uu Muqdisho ku qabtay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in Midowga Yurub uu si weyn u soo dhoweynayo bilowga wada-hadallada ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi mucaarad ah.

Warka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa yimid kaddib markii is-afgarad hordhac ah laga gaaray qabsoomidda shirka wada-tashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo lagu wado in lagu qabto Madaxtooyada Qaranka.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu ka dhashay codsi uu gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasul si loo abuuro jawi wadahadal oo rasmi ah.

Beesha Caalamka ayaa doonaysa in Muqdisho lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo dhabbaha u xaaraya doorasho loo dhan yahay, si uu dalku si nabad ah ugaga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed iyo kala aragti duwaanshanaaha madaxda.